๐ƒ๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฆ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐๐š๐ ๐š๐š๐ฅ ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐›?
Siyaasad

๐ƒ๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฆ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐๐š๐ ๐š๐š๐ฅ ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐›?

Abdisamad Hassen 06 Jul 2026
Muddo dheer dunidu waxay ku noolayd nidaam ay dhaqaalaha iyo ganacsigu ka muhiimsanaayeen awoodda militari. Dalalku waxay ku tartami jireen warshado, tiknoolajiyad iyo maalgashi. Laakiin maanta wax kasta oo hore wax ka duwan ayaa socda. Haddii aad si dhow u eegto dhacdooyinka sanadihii ugu dambeeyay, waxaad ogaanaysaa in dunidu si tartiib tartiib ah ugu sii socoto marxalad cusub oo ay awoodda ciidan, marin-badeedyada, tamarta iyo silsiladaha sahaydu dib ugu noqdeen kuwa ugu muhiimsan. Dad badan waxay u maleynayaan in dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu yahay arrin Yurub u gaar ah, dagaalka Iiraan iyo Israa'iilna uu yahay khilaaf Bariga Dhexe ka socda, halka xiisadda Taiwan loo arko muran u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka. Laakiin marka khariidadda la wada dul dhigo isku darka xaaladahan waxaa muuqanaya wax ka duwan. Wax walba waa isku xiran yihiin. Waxaa muuqata in quwadaha waaweyn aysan maanta u dagaallamayn oo keliya dhul, balse ay ku tartamayaan cidda maamuli doonta halbowlayaasha dhaqaalaha adduunka. Balse waxaa jira waxyaabo shaki leh oo ka socda dunidda . Mareykanka iyo xulafadiisa ma waxay arkaan dunidda kale inay ku soo dhawaanayso , ama si fudud ; Mareykanka ma wuxuu ka hortagayaa saameyntiisa inuu lumiyo? Waa halkan waxa shakiga leh meesha uu ka billaabanayo. 24 bishii Febraayo 2022 , waxay dadka caadiga ah oo aan ula jeedo shacabka duniddu maqleen Ruushka inuu duulaan ballaaran ku qaaday dalka Ukraine , si dhaqso ahna ciidanka Ruushka ayaa maalin kasta ugu dhawaanayeen sannadkaa inay la wareegaan dhulka Ukraine. Laakiin dagaalka Ruushka iyo Ukraine , ma billaaban maalintaa, xaqiiqdu dagaalkan wuxuu bilowday Febraayo 2014, ka dib markii mudaaharaadyadii ka dhacay caasimadda Ukraine ee Kyiv ay horseedeen in xilka laga qaado madaxweynihii Ukraine, Viktor Yanukovych oo xiriir dhow la lahaa Ruushka. Intaas ka dib, Ruushku wuxuu la wareegay jasiiradda Crimea bishii Maarso 2014. Dagaal ayaa ka qarxay gobollada Donetsk Oblast iyo Luhansk Oblast ee bariga Ukraine, halkaas oo kooxo hubeysan oo Ruushku taageerayay ay la dagaallameen ciidamada Ukraine. Reer galbeedka uu hoggaamiyo Mareykanka , xilligaa ma sameyn wax weerar ama howlgallo ay ku difaacayaan Ukraine , si taa ka duwan waxay ku dhaqaaqeen si adag inay u cunaqabateeyaan Ruushka , ka goโ€™doomiyaan dunidda kale , laga saaro dhammaan ururradii dhaqaale ee Ruushka ugu dhawaanayay xiriirka dhaqaale ee caalamka. Muxuu ka dhignaa dagaalka uu Ruushka ka qaaday Ukraine? Waxaa laga yaabaa inay jiraan dad badan oo u arka Ruushka inuu ahaa cidda hindistay dagaalka Ukraine , laakiin aragtidayda Ruushka wuxuu qaaday dagaal uu ku qasbanaa . Aan ku sheego sababta. Muddo dheer , madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin wuxuu telefishinada hortooda uga digayay reer galbeedka inay qorsheynayaan burburinta Ruushka, isagoo markaa Ukraine ku sheegaya albaabka laga soo galayo Ruushka. Putin ma uusan bilaabin hal mar oo keliya inuu ka digo saameynta reer Galbeedka ee Ukraine, balse wuxuu arrintaas si joogto ah uga hadlayay tan iyo horraantii 2000 . Si kastaba ha ahaatee, digniinihiisii ugu waaweynaa waxay soo baxeen waqtiyo kala duwan. 2004โ€“2005 , ka dib waxa loo yaqaan Orange Revolution, Putin wuxuu sheegay in dalalka reer galbeedku faragelin ku hayaan siyaasadda Ukraine, isla markaana ay taageerayaan isbeddello uu Ruushku u arkayay kuwo lagu wiiqayo saameyntiisa. 2007,khudbaddii caanka ahayd ee uu ka jeediyay shir weynaha sannad laha ah ee looga hadlo amniga oo ka dhaca magaalada Jarmalka ku taal ee Munich , wuxuu si adag Putin u dhaliilay ballaarinta NATO iyo siyaasadda Mareykanka. Wuxuu ka digay in NATO ay ku soo fideyso xuduudaha Ruushka, isagoo arrintaas u arkayay khatar amni. 2008,markii shirkii NATO ee Bucharest looga dhawaaqay in Ukraine iyo Georgia ay mustaqbalka xubno ka noqon karaan NATO, Putin ayaa si cad uga horyimid, isagoo sheegay in tani ay khatar weyn ku tahay amniga Ruushka. 2014, ka dib Ukrainian Revolution iyo ridistii madaxweyne Viktor Yanukovych, Putin wuxuu ku dooday in reer Galbeedku taageereen isbeddelkaas. Isla sannadkaas ayuu Ruushku la wareegay jasiiradda Crimea, waxaana dagaal ka qarxay bariga Ukraine. 2021โ€“2022, bilihii ka horreeyay duullaankii ballaarnaa ee Ruushka, Putin wuxuu marar badan ku celceliyay in Ukraine ay isu beddelayso saldhig ay NATO ku wajahdo Ruushka, isagoo ku dooday in tani ay tahay khad cas oo aan la gudbi karin. Markaa wuxuu arkay in miiska uu horfadhiyo ay saaranyihiin labo kala doorasho ; xadka Ruushka oo askarta Mareykanka ay soo istaagaan ama dhaqaaq inuu sameeyo oo cidda gacanta ku horreysa uu noqdo. Markaana gaadiid badan oo dagaal iyo boqollaal kun oo askari ayuu Ruushku geeyay xadka Ruushka, Belarus iyo koonfurta Crimea, waxaana dhaqdhaqaaqyada la socday dayax-gacmeedyada Mareykanka, mana jirin iskuday diblomaasiyadeed ama militari oo Mareykanka iyo isbahaysiga NATO ay sameeyeen, si looga hortaggo dagaalka shanta sanno socda, taasi oo loo arki karo Ruushka inay ku soo jiidaan dagaalka Ukraine , si ay u helaan meel lagu xannibo. Muddo shan sanno ah Ruushku wuxuu ku jira dagaalka Ukraine , wuxuuna wajahaya xaalad dhaqaale iyo saameyn weyn oo dagaalkan uu kala kulmayo. Reer galbeedkana waxay hub ku harqinayaan Ukraine , halkaana waxay noqotay goob gacmaha looga xirxiray Ruushka , oo Mareykanka ayaa iska fogeeyay dagaalka wuxuuna hoos u dhigay isagoo hal askari uusan ka dhiman awooddii Ruushka. Dagaalladana waa kuwa dib u dhac dhaqaale iyo horumarkaba ku rida dalalka, halista ugu weyna waa in dagaalladu yihiin shaybaarka lagu barto marka dal uu dagaal ku jiro , awoodiisa weerar iyo difaac , oo lagu daray sida warshadihiisa militari iyo hubkiisa u shaqeeyaan. Waxa ka dhex socda dagaal, waa arrin u baahan waqti kale , balse aan ku gudbiyo cutubka xiga ee warbixintan. Haddii Ruushka lagu xannibay Ukraine , waxay reer galbeedku tijaabo marinayaan awoodda kobcaysa ee ka dhismaysa bariga dhexe, waa Iiraanโ€ฆ. dabcan qof kasta wuxuu u akhriyaa dagaalka Iiraan mid ku kooban tartanka awoodda bariga dhexe ee Iiraan iyo Israaโ€™iil u dhaxeeya , waa dhab Israaโ€™iil waxay raadinaysay muddo dheer Mareykanka inay ku soo jiido dagaalka Iiraan , hadda marka uu Mareykanka galay dagaalka Iiraan , waa in dhinaca kale khariirada aan u gadinaa oo hab kale u fallanqeynaynaa! Aragtidayda waxaa waqtigan is waafaqay xilliga uu Mareykanka u baahnaa inuu arko Iiraan , taasoo qayb ka ah qorshaha ballaaraan ee bilowgii aan sheegnay oo Mareykanka iyo xulafadiisa ay uga hortagayaan tartan caalami ah , ka dib markii si dhaqso ah ay usoo baxeen awooddo dhab ah oo la tartamaya Mareykanka. Iiraan waxay sameysay iska caabin, runtiina tijaabada Mareykanka waxay ku socotaa ilaa hadda natiijo kasoo horjeeda waxa uu ka filayay Mareykanka inuu ka helo dagaalkan. Waxaase jira wax ka yaabinaya oo noqonaya waji kale oo dagaal caalami ah oo laga baranayo dagaalka Iiraan. Waxay adeegsatay Iiraan, wax u dhigma bambo nukliyeerka , waa xiritaanka marin-biyoodka Hormuz , halka m dharbaxada ugu xooggan uu ka wajahay Mareykanka , maaddaama xiritaanka marinkan ku yaalla bariga dhexe uu saameyay guri kasta oo Mareykanka ku yaal, sabab la xiriirta qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay, taana waxay salka dhulka ugu dhufatay Mareykanka oo raadiyay waddo dagaalka lagu hakiyo. Sheekaduse halkaa kuma istaagayso. Hormuz... halka uu ka bilaabanayo tartanka cusub. Marinka Hormuz waa meel cidhiidhi ah, balse saamayntiisu waxay gaartaa dunida oo dhan. Maalin kasta waxaa halkaas mara malaayiin foosto oo shidaal ah,oo u dhiganta 20% shidaalka caalamka. Sababtaas awgeed Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiisku waxay mar walba muujiyaan inay diyaar u yihiin inay ilaaliyaan marinkan. Waxaana Axaddii shalay soo baxay inay isku diyaarinayaan Ingiriiska iyo Faransiiska howlgal ay ku nadiifinayaan bambooyinka Iiraan ay dhigtay gudaha marin-biyoodka Hormuz. Iiraan iyaduna si cad ayay u sheegtay in haddii ciidamo shisheeye isku dayaan inay gacanta ku dhigaan Hormuz, jawaabteedu noqon doonto mid degdeg ah. Marka aad halkaan istaagto waxaad moodaysaa in sheekadu ku egtahay Gacanka Carabta. Laakiin ma aha. Dagaalka xiga wuxuu gaari karaa Malacca Waxaa jira marin kale oo aad uga fog Bariga Dhexe. Waa Marinka Malacca. Marinkan wuxuu u dhexeeyaa Malaysia, Singapore iyo Indonesia. Qof kasta oo khariidadda eega wuxuu fahmayaa sababta uu muhiim u yahay. Ku dhowaad dhammaan badeecadaha iyo shidaalka u socda Shiinaha waxay maraan halkaas. Tallaabooyinka ay qaaday Iiraan ee lagu xiray marinka Hormuz, waxay cabsi badan ku abuuray Shiinaha oo arkay inay Iiraan soo dedejisay dagaalka marinnada biyaha oo ah halka dhaqaalaha Shiinaa uu ku tiirsanyahay,xataa waxaa la heli karaa warbixinno lagu sheegay in madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping uu la wadaagay hoggaanka Iiraan inay soo dedejiyeen iskudayga Mareykanka uu ku doonayo inuu helo habab lagu cadaadiyo Shiinaha oo lagu joojiyo horumarka xawliga ah ee burburinaya boqortooyadii Mareykaka uu dunidan ku haystay. Ma garanaysaa halka ay ka dhalanayso cabsida Shiinaha, ma aha wax kale waa in haddii Hormuz yahay albaabka shidaalka kasoo baxa Bariga Dhexe, waxa jira marin-biyoodka Malacca oo ah albaabka shidaalkaasi ka galo Aasiya. Taasi waa sababta Shiinuhu muddo dheer uga walaacsanaa waxa loo yaqaan Malacca Dilemma. Shiinaha wuxuu ogyahay in haddii marinkan la xannibo warshadihiisa waaweyn oo ah waxa uu ku gaarayo Mareykanka ay halis geli karaan. Sidaas darteed , wuxuu hadda Shiinaha dedejinaya inuu dhiso dekedo cusub, waddooyin tareen, dhuumo shidaal iyo marinno kale oo dhulka mara si ay u yareyso ku tiirsanaanta hal marin. Intaana waxaan kugu sheegayay inuu ku dhaho , waxaa laga yaabaa bartilmaameedka xiga ee Mareykanku tijaabinayo inuu noqon karo Shiinaha. Isla Shiinaha ayaa soo muujiyay tan, waxayna bishii June fuliyeen ciidanka Shiinaha tijaabooyin ay isugu diyaarinayaa dagaal ay la gali karaan Mareykanka. Markaa ciidanka Shiinaha ma aysan sameyn dhoolatus cirka ama hawada ah ee waxay doorteen badda , sababtoo ah Shiinaha wuxuu fahansanyahay dagaal uu Mareykanka la galo inuu ka qarxayo badda, taasina waa sababta aad u heli kartid ciidanka Shiinah oo gantaallo ku tijaabanaya maraakiib loo ekeysiiyay kuwa dagaalka Mareykanka. Waxaan oo dhan wuxuu Shiinaha u sameynayaa inuu xataa arkay dalalka ku dhow xadkiisa ee xiriirka leh Mareykanka oo soo muujiyay inay isku diyaarinayaan qorshaha lagu wajahayo Shiinaha. Japan waxay dib u dhisaysa awoodda militariga. Muddo ku dhow sideetan sano Japan waxay ku caan ahayd dhaqaale. Ciidankeedu wuxuu ahaa mid xaddidan. Laakiin maanta Japan waxay sameyneysaa wax aysan sameyn tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Waxay kordhinaysaa miisaaniyadda difaaca. Waxay iibsanaysaa hub casri ah. Waxay dib u dhisaysaa awooddeeda badeed. Su'aashu waxay tahay maxaa is beddelay? Jawaabtu waa Shiinaha. Tokyo waxay rumeysan tahay in haddii xiisad ka dhacdo Taiwan ama Badda Koonfurta Shiinaha, dhaqaalaha Japan uu si toos ah u saameyn doono. Sidaas darteed waxay dooratay inay diyaar garowdo ka hor inta dhibaatadu imaan. Hindiya waxay dooratay dhinaceeda Hindiya waxay hore isugu dayi jirtay inay dhexdhexaad ahaato. Laakiin maanta New Delhi waxay sii xoojinaysaa iskaashiga difaac ee ay la leedahay Japan. Labada dal waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan ammaanka Badweynta Hindiya. Sababtu ma aha inay doonayaan dagaal. Waxay doonayaan inay hubiyaan in ganacsiga caalamku uusan istaagin haddii xiisad ka dhacdo gobolka. Dal kastana wuxuu ka cararayaa inuu wajaho saameyn ka mid ah midda ka dhalatay dagaalka socda ee Ruushka iyo Ukraine. Dagaalkii Ruushka iyo Ukraine markii uu billowday dad badan waxay filayeen inuu bilo gudahood ku dhammaan doono. Maanta wuxuu galay sannad kale, saameyntiisana waxay gaartay meelo fog. Labada dhinacba waxay bixiyeen khasaare aad u badan. Ruushku wuxuu bartay sida loo kordhiyo wax soo saarka hubkiisa. Yurubna waxay ogaatay inay ku khasban tahay inay dib isu hubeyso. NATO waxay kordhisay diyaar garowgeeda. Warshadihii hubka ee Yurubna waxay dib ugu shaqeynayaan xawaare aan la arag tobannaan sano. Xaaladan waxaan laga tagi karin Aftika oo noqotay goobta tartanka cusub Marka laga soo tago Yurub iyo Aasiya, quwadaha waaweyn indhahoodu waxay ku sii jeedaan Afrika. Sababtu waa macdanta. Lithium. Cobalt. Uranium. Dhul naadir ah. Kuwaas ayaa noqday shidaalkii warshadaha casriga ah. Qofka gacanta ku dhiga macdantaas wuxuu saameyn ku yeelan karaa tiknoolajiyadda berri. Sidaas darteed waxaa sii xoogeysanaya tartanka Mareykanka, Shiinaha, Ruushka, Turkiga iyo dalalka Khaliijka. Geeska Afrika... albaabka dunida Dad badan waxay Geeska Afrika ka eegaan dhibaatooyinka gudaha. Laakiin quwadaha waaweyn sidaas uma eegaan. Waxay eegaan khariidadda. Waxay arkaan in Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritrea ay fadhiyaan meel isku xirta Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys. Qof kasta oo saameyn ku yeesha gobolkaas wuxuu si dadban u saameyn karaa ganacsiga Yurub iyo Aasiya. Taasi waa sababta saldhigyo militari, dekedo iyo heshiisyo badan loogu loollamayo gobolka. Haddaba dunidu xaggee ayay u socotaa? Haddii dhacdooyinkan oo dhan hal sawir lagu wada eego, waxaa muuqanaya isbeddel weyn. Qarnigii labaatanaad waxaa la isku haystay dhul. Bilowgii qarnigan waxaa la isku haystay dhaqaale iyo teknoolojiyad. Laakiin hadda waxaa soo baxaya tartan cusub. Tartan lagu kala adkaanayo cidda maamuli doonta marin-badeedyada, tamarta, macdanta, sirdoonka, teknoolojiyadda iyo silsiladaha sahayda. Taasi waa sababta dagaalka Ukraine uusan uga go'nayn Bariga Dhexe. Bariga Dhexe uga go'nayn Badda Koonfurta Shiinaha. Taiwan uga go'nayn Geeska Afrika. Wax walba waa isku xiran yihiin. Waxa dunidu maanta dib u qorayso ma aha oo keliya khariidadda juqraafiyeed, balse waa nidaamka awoodda caalamka. Dal kasta wuxuu hadda isku dayayaa inuu helo meel uu kaga jiro nidaamkaas cusub ka hor inta aan la gaarin marxalad ay go'aamada ugu waaweyn qaataan quwadaha awoodda badan. Waxa laga yaabaa in dagaallada maanta socda ay yihiin bilowga isbeddel socon doona tobannaan sano, halkaas oo cidda ilaalisa marin-badeedka, xakameysa tamarta, gacanta ku haysa tiknoolajiyadda iyo macdanta muhiimka ah ay noqon doonto quwadda ugu saamaynta badan dunida. Waxaan idinkaga tagay fikirkiina

Waxaad jeclaan kartaa

Faallooyin (0)

Fadlan gal si aad faallo u dhigto

Gal Diiwaangeli

Weli faallo malaha. Noqo kii ugu horreeyay!